Sunday, February 9, 2025

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐ƒ๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐š

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dedaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka, halka dhinaca kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka uu sheegay inay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa labada Wasiir uga mahadceliyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaamay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hayโ€™adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israaโ€™iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles