HomeWARARKA MAANTAQarax lagu dilay shaqaale ka tirsan Hormuud oo Muqdisho ka dhacay

Qarax lagu dilay shaqaale ka tirsan Hormuud oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin...
spot_imgspot_img

Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira Qarax lagu xiray gaari noociiisa yahay Noah oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud kaasoo shalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa la sheegay inuu ku dhintay  Cabdiwahaab Cismaan Axmed oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud xarunteeda degmada Heliwaa, halka dhaawacyo culus ay ka soo saareen labo kale.

Qaraxaan ayaa yimid xili 10 maalmood ka hor qarax weyn oo nooca miinada dhulka lagu aaso ah duleedka Muqdisho lagula eegtay gaari ay lahayd Shirkadda Hormuud kaasoo sababay dhimashada Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda.

Waxaa xusid mudan in bishii November ee sanadkaan qaraxyo is xigxigey lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta) ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha.

Lama oga sababta loo beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan

Laamaha amaanka DF iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaan ka hadlin illaa hadda qaraxyada iyo dilalka ku socda shaqaalaha shirkada Hormuud oo ah mida ugu weyn dhinaca Isgaarsiinta Somalia.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here