HomeWARARKA MAANTAQarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin...
spot_imgspot_img

Qarax ayaa ka dhacay galabta meel ku dhow  garoonka Ciyaaraha Muqdisho Istadium xili ay ka socotay garoonka ciyaar ka tirsan tartanka Dowlad goboleedyada oo dhexmareysay xulalka Galmudug & Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee wadada 30ka oo dhowr boqol oo talaabo u jira garoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo fuliyey qof waxyaabaha qarxa dhexda ku soo xirtay inkastoo aan la ogeyn cida lala beegsaday.

Ciidamada amaanka DF ayaa la sheegay iney qaraxa ka dib fureen rasaas, lamana oga illaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas inkastoo la soo sheegayo in dad ku dhaawacmay qaraxyada iyo rasaasta la geeyey goobaha caafimaadka qaarkood.

Qaraxa ayaan wax saameyn ah ku yeelan ciyaartii ka dhaceysay garoonka Muqdisho Istadium oo ay soo buuxiyeen galabta taageerayaal ku dhow 100 kun  qof,

waxaana ciyaartii galabta oo semi final aheyd ay ku dhamaatay 6-7 rigoorayaal ah oo ay ku badiyeen Galmudug ka dib markii xiligii caadiga ahaa ee ciyaarta ay wax goolal ah kala dhalin waayeen. Galmudug iyo hirshabelle aya ciyaari doona finalka tartanka maamulgoboledyada iyo gobolka banaadir

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here