HomeWARARKA MAANTASaudi Arabia oo laga furayo dukaankii ugu horeeyey ee Khamriga lagu iibiyo

Saudi Arabia oo laga furayo dukaankii ugu horeeyey ee Khamriga lagu iibiyo

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin...
spot_imgspot_img

Sacuudi Carabiya ayaa isku diyaarineysa inay caasimadda Riyadh ka furto dukaankii ugu horreeyey ee lagu iibiyo khamriga, kaasoo si gaar ah ugu adeegi doona diblomaasiyiinta aan muslimiinta aheyn, ilo-wareedyo ayaa sidaas u sheegay Reuters.

Macaamiisha ayaa iskadiiwaan-gelin doona mobile app, kadib waxay ogolaansho ka heli doonaan wasaaradda arrimaha dibedda, ayaga oo ixtiraami doona qoondada loogu talo-galay bishii inay iibsadaan, sida ku cad dokumenti ay aragtay Reuters.

Tallaabadan ayaa mid taariikhi u ah dadaallada boqortooyada, ee uu hoggaaminayo dhaxal-suge Maxamed bin Salman, ee dalkan muslimka ah loogu furayo dalxiisayaasha iyo ganacsiga, maadaama cabista khamriga ay mamnuuceyso diinta Islaamka.

Waxay qeyb ka tahay qorshaha ballaaran ee loo yaqaan Vision 2030, ee Sacuudigu ku doonayo inuu kaga baxo ku tiirsanaanta dhaqaalaha shidaalka.

Dukaanka cusub ayaa ku yaalla xeendaabka diblomaasiyadda ee Riyadh, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha iyo diblomaasiyiinta, waxaana “si xooggan loogu xaddidi doonaa” dadka aan muslimiinta aheyn kaliya, ayaa lagu yiri dokumentiga.

Ma cadda haddii ajaaniibta kale ee aan Muslimiinta ahayn loo ogolaan doono dukaanka. Sacuudiga ayaa waxaa ku nool malaayiin ajaaniib ah oo badankood ah Maslimiin ka yimid Asia iyo Masar.

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah qorshaha ayaa sheegay in dukaanka la furi doono toddobaadyada soo socda.

Sacuudi Carabiya ayaa leh sharciyo adag oo ka dhan ah cabista khamriga, oo lagu muteysan karo ciqaab boqolaal jeedal ah, tarxiil, ganaax ama xabsi. Ajaaniibta ayaa si gaar ah ugu muteysan kara masaafurin.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here