HomeWARARKA MAANTAHay’adda QM u qaabilsan Falastiiniyiinta oo lagu eedeeyay in qaar ka mid...

Hay’adda QM u qaabilsan Falastiiniyiinta oo lagu eedeeyay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ku lug weerarradii 7-dii Oktoobar

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin...
spot_imgspot_img

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Falastiiniyiinta ee UNRWA,ayaa lagu eedeeyay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda gaar ah  ay ku lug lahaayeen weerarradii kooxda Xamaas ku qaadeen 7-dii Oktoobar dhulka ay maamusho Israa’iil.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu aad uga naxay warkan loo soo sheegay, waxa uuna ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

Waxa uu sheegay in arrintan ay tahay mid aan la aqbali karin oo ceyb ah, waxa uuna faray saraakiil katirsan Qaramada Midoobay in baaritaano deg deg ah lagu sameeyo jiritaanka warkan sida weyn u baahay.

Dowladda Mareykanka ayaa durba qaaday tallaabooyin deg deg ah kaddib markii la baahiyay fadeexada hay’adda UNRWA, waxa ayna Mareykanka ku dhawaaqeen in ay joojinayaan dhaqaalihii uu siin jireen hay’adda  UNRWA.

Weerarkii Xamaas ku qaaday 7-October ee sannadkii hore ayaa lagu dilay in ka badan 1,300 qof oo Israa’iiliyiin u badnaa, waxa uuna weerarkaasi abuuray weerar kale oo falcelin ah oo Israa’iil ku bur burisay Gaza kuna dishay dad ka badan 23-kun oo qof oo shacab ah.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here