HomeWARARKA MAANTAXuutiyiinta Yemen oo Weeraray Markab Shidaal siday

Xuutiyiinta Yemen oo Weeraray Markab Shidaal siday

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin...
spot_imgspot_img

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar gantaallo loo adeegsaday ku qaaday markab shidaal siday oo ka babanaayay calanka Jaziirada Marshaal,markabkaa oo marayey gacanka Cadmeed, sida uu sheegay milatariga Maraykanka.

Taliska dhexe ee ciidamada dalka Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in markabka si deg deg ah ula soo xiriiray una sheegay dhibka ku dhacay, waxa ayna sheegeen taliska Mareykanka in isla markiiba jawaab deg deg ah bixiyeen.

“Markabku wuxuu noo soo diray  wicitaan murugo leh, wuxuuna soo sheegay khasaare,” USS Carney [DDG 64] iyo maraakiibta kale ee isbahaysiga ayaa ka jawaabay oo bixinaya gargaar. Ilaa hadda wax dhaawac ah lama soo sheegin.”ayey yiraahdeen taliska Mareykanka

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay kahor tageen oo bur buriyeen gantaal kale oo nuuca lagu weeraro maraakiibta, kaa oo kooxda Xuutiyiinta doonayeen in waxyeelo kale oo xooggan ku geestaan.

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa kordhisay weerarada ay u geesanayaan maraakiibta ganacsi ee maraya gacanbka cadmeed, kooxdan ayaana sheegtay in weeraradooda ku taageerayaan walaalahooda Gaza ee gumaadka kala kulmaya Israa’iil.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here