HomeWARARKA MAANTABaarlamaanka Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Maamulkaas

Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Maamulkaas

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin...
spot_imgspot_img

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland  Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad  Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland  ayaa ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Dawladda ku shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay, kadib codsi Madaxweyne oo ku saabsanaa ansixinta Miisaaniyad KMG ah ee bilaha January –  June, 2024 laguna sii dhaqmo Miisaaniyad Sannadeedkii 2023.

Miisaaniyada KMG ayaa ku saleysan Miisaaniyadii hore ee sannadkii 2023, taas oo aheyd $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda KMG ah ee bilaha January – June, 2024, si waafaqsan Qodobka 135-aad ee Dastuurka Puntland.

Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha ahaa $97,212,528 dollar oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dollar dhakhligaan oo ku xaroonaya13 madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.

Miisaaniyaddii 2023 waxay ka koobnayd dhakhli ku qoondeysnaa khasnada Dawladda ( On Budget) iyo dhakhli ka baxsan khasnad Dawladda ( Off Budget)

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here