HomeWARARKA MAANTAXuutiyiinta Yemen oo sheegay inay qorsheynayaan weeraro kale ay ku qaadaan maraakiibta...

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay qorsheynayaan weeraro kale ay ku qaadaan maraakiibta dagaalka ee Mareykanka iyo Ingiriiska.

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 02 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...
spot_imgspot_img

Bayaanka kooxda Iran ku xiran, oo la sii daayay maanta ayaa lagu sheegay in dhammaan maraakiibta dagaalka ee Mareykanka iyo Ingiriiska ee ka qayb qaadanaya “gardarrada” Yemen ay yihiin bartilmaameedyo.

Hadalkan ayaa walaac ku abuuray xiisadaha ka taagan gobolka iyo sidoo kale carqaladeynta ganacsiga adduunka oo sii kordhay.

Xuuthiyiinta oo maamula qaybaha ugu badan ee Yemen, ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha waxa ay ku garaaceen maraakiibta mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed tan iyo 19-kii November.

Kooxda ayaa sheegtay in weerarradu ay jawaab u yihiin howlgallada milatari ee Israel ee Gaza.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgaladooda militari ilaa laga gaarayo xabad joojin laga gaaro marinka Qaza, cunnada iyo daawadana loo ogolaado in la geliyo deegaanka si loo yareeyo dhibaatada bini’aadantinimo.

“Waxaan u diyaargarownay iska horimaad waqti dheer ah oo aan la galno ciidamada dabadhilifyada. Maraykanka, Ingiriiska iyo intii isku dubaridayba waa inay garwaaqsadaan awoodda go’aanka Yemen ee madax-bannaanida ah iyo inaan wax dood ah iyo muran ka jirin.”ayuu yiri Maxamed al-Atifi, oo ah taliyaha ciidamada Xuuthiyiinta, ayaa yiri:

Mareykanka iyo Britain ayaa weerar ku qaaday bartilmaameedyada Xuuthiyiinta ee Yemen, xilli ay gaaf wareegayaan badda cas oo ah isbaheysiga badda, kuwaas oo weeraro badan kala wareegay kooxda Yemen.

Is-weydaarsigii ugu dambeeyay, ayay Xuutiyiintu gantaallo ku garaaceen markabka dagaalka ee Mareykanka ee USS Gravely. Habeenimadii Talaadada, taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay soo rideen gantaal nooca loo yaqaano cruise-ka.

Weerarada Xuutiyiinta ayaa xaalad dhaqaale oo caalami ah ku soo kordhiyay qaska ka dhashay dagaalka Gaza.

Dhowr shirkadood oo maraakiib ah ayaa hakiyay isu socodka badda cas, taasoo laga soo galo gacanka cadmeed, taas bedelkeedna waxay ku qaadatay socdaal dheer iyo kharash badan oo ay ku marayeen Afrika si looga fogaado in la weeraro.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here