HomeWARARKA MAANTAXamaas oo diiday Heshiis Xabbad-joojin iyo Maxaabiis is dhaafsi.

Xamaas oo diiday Heshiis Xabbad-joojin iyo Maxaabiis is dhaafsi.

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 02 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...
spot_imgspot_img

Waxaa socda dedaalo mar kale lagu doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lakala dhax dhigo kooxda Xamaas iyo ciidamada Israa’iil, sidoo kalena ay mar kale labada dhinac is dhaafsadaan maxaabiista ay kala heestaan qaarkood.

Hoggaanka sare ee kooxda Xamaas ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in ay diideen qorshaha xabbad-joojinta KMG ah iyo maxaabiis is dhaafsiga, waxa ayna xubnahan sheegeen in ay sii wadi doonaan iska caabinta ciidamada Israa’iil.

Kooxda Xamaas ayaa si cad u sheegtay in aysan jiri doonin wax heshiis ah oo ku saabsan maxaabiista ku xiran magaalada Qasa, haddii aan la helin dammaanad adag oo lagu soo afjarayo duulaanka Israel.

Dagaallo culus iyo duqeymo ayaa wali ka socda magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana dagaalka socda uu khasaaro xooggan uu kusoo gaaray ciidamada Israa’iil, iyadoona shalay dagaal dhacay askar looga dilay kuwa kalana looga dhaawacay.

Dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil ayaa socda muddo shan bil ah, waxaana dagaalkan lagu dilay in ka badan 24-kun qof oo shacab Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 1300-qof oo Israa’iiliyiin ah.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here