HomeWARARKA MAANTACiidanka Puntland oo howlgal ku beegsaday Rag faraha kula jiray dambiyo culus

Ciidanka Puntland oo howlgal ku beegsaday Rag faraha kula jiray dambiyo culus

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin...
spot_imgspot_img

Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo hubeysan oo isticmaalayay maandooriye, howlgalka ayaana xalay laga fuliyay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolkaasi Nugaal.

Taliska Booliska Nugaal oo War kasoo saaray howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay howlgalka ku qaadeen kooxda oo xilligaas faraha kula jirtay dambiyo culus oo la xiriira ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni daro.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay inay balanqaadayaan dhib kasta oo kayimaada xoojinta iyo sii socoshada hawlgalka lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug leh amni darro iyo Ganacsiga daroogada halista,

“Wuxuuna hawlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Taliska Booliska.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf oo howlgalka hogaaminayay ayaa bogaadiyay Ciidanka qaybta gobolka Nugaal,oo uu uga mahad celiyay Howlgalka ay wadaan, isagoo umahad celiyay dhamaan dadka ku garabsiinaya ciidanka la dagaalanka Cabtoyda.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here