HomeWARARKA MAANTAGolaha Wasiirada Xukuumadda oo ansixiyay 10 Safiir cusub oo la magacaabay

Golaha Wasiirada Xukuumadda oo ansixiyay 10 Safiir cusub oo la magacaabay

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin...
spot_imgspot_img

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo dalka uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1- Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)

2- Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi

3- Cali Cabdi Awaare

4- Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)

5- Bashiir Xasan Xaaji

6- Fathudin Cali Maxamed

7- Xuseen Cabdi Xalane

8- Khadiija Cosoble Cali

9- Khadra A Dualle

10- Ridwan Xirsi Maxamed

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here