HomeWARARKA MAANTAFaah faahin kasoo baxeysa Weerar iyo Dil ka dhacay Magaalada Boosaaso

Faah faahin kasoo baxeysa Weerar iyo Dil ka dhacay Magaalada Boosaaso

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 02 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...
spot_imgspot_img

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa rag hubeysan oo habeenimadii xalay aheyd, magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka geystay Weerar loo adeegsaday Bambooyin iyo dil qorsheysan oo loo geystay Nin kamid ahaa Ganacsatada magaalada.

Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dilay nin ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee wax kuu iibiya suuqa wayn ee magaalada, kadib markii ay raasaas ku fureen, isla markaana waxaa ganacsadaha uu u geeriyooday rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Dhinaca kalena, waxaa xalay bambooyin lagu tuuray guriga wasiirka amniga Puntland Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin, saraakiisha amniga ayaa sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay bambooyinkan la tuuray.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka maamulka Puntland ee Boosaaso oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay inay wadaan howlgalo lagu raadinayo dableydii ka danbeeysay dilka loo geystay Ganacsadaha iyo Weerarka Bambaano ee lagu qaaday guriga Wasiirka amniga.

Bilihii u dambeeyey waxaa magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka dhacay qaraxyo, kuwaas oo intooda badani ay dhacaan xilliga habeenkii ah, iyada oo lala beegsanayo goobaha ganacsiga, mana jirto illaa haatan cid si toosa u sheegatay weeraradan.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here