HomeWARARKA MAANTAGuddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Muqdisho

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin...
spot_imgspot_img

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta  saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Waxaan dowladda iyo shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta uga tacsiyeynaynaa saraakiishii ku naf waayey falkii argagixisanimo ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryayaa inuu janadiisa hooy uga yeelo, intii uu dhaawac kasoo gaarayna caafimaad sariic ah”.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo tilmaamay in saraakiishaas ay dalkeena u yimaadeen in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, ayaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta dalkeena.

Weerarkii xalay ka dhacay Xerada Jen. Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana Imaaraadka looga dilay Weerarka afar sarkaal iyo hal sarkaal oo u dhashay Baxreyn, sidoo kalena waxaa dhaawacmay ku dhawaad 10 Askari oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here