HomeWARARKA MAANTACiidamada Itoobiya oo 45 qof oo rayid ah ku dilay gobolka Amxaarada

Ciidamada Itoobiya oo 45 qof oo rayid ah ku dilay gobolka Amxaarada

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Sodma Jowahar Soo gaaray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi...

Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe...

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin...
spot_imgspot_img

Ciidamada ammaanka dowladda Itoobiya ayaa 45 qof oo rayid ah ku dilay “xasuuq” ka dhacay gobolka Amxaara, dabayaaqadii Janaayo, waxaa sidaas maanta sheegay Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHCR) ee dowladda ku xiran.

Bayaan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in EHCR uu xaqiijiyey “haybta ugu yaraan 45 qof oo rayid ah ah oo ay si sharci-darro ah u dileen ciidamada ammaanka dowladda, sababo la xiriira in lagu tuhmayo ‘inay taageereen Fano’,” oo ah maleeshiyada qowmiyadda Amxaarada.

“Si kastaba, waxaa loo qaadan karaa in tirada dhibanayaasha ay xitaa intaas ka badan tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dilalkan oo ka dhacay magaalada Merawi ayaa daba socda bilooyin ay isku dhacyo dhex-marayeen ciidamada militariga iyo Fano, oo ah maleeshiyo sheegtay inay ku jirto “difaac nafsi ah.”

Dagaalka ayaa ku qasbay dowladda inay xaalad deg deg ah soo rogto bishii August, taasi oo ay xildhibaanada ku kordhiyeen afar bil oo kale bishan.

Dowladda Mareykanka ayaa toddobaadkii tegay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay warbixinada ku saabsan “dilal shacab oo beegsi ah” oo ka dhacay Merawi, waxayna ku baaqday baaritaan madax-banaan.

Rabshadaha Amxaarada ayaa dib u soo celiyay walaaca laga qabo xasilloonida Itoobiya bilo kadib markii heshiis nabadeed la saxiixay November 2022, si loo soo afjaro colaad laba sano ka socotay gobolka dariska la ah ee Tigray.

Ciidamada gobolka Amxaarada ayaa ka barbar dagaalamay ciidamada federaalka ee la dagaalamay Tigrayga balse xiriirku waxa uu xumaaday bishii April ee sanadkii hore markii xukuumada Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ay go’aansatay in ay burburiso ciidamada sida militariga u tababaran ee dalka oo dhan.

Qowmiyiinta Amxaarada ayaa sheegay ay wiiqi doonto gobolkooda, waxayna ka ashtakoodeen tallaabadaas.

Bishii September, EHRC waxay ku eedaysay ciidamada dawladda federaalka inay dilal sharci-darro ah ka fuliyeen gobolka Amxaarada, iyo xarig-wadareedyo badan oo ka dhacay gobolka iyo meelo kale.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here