HomeWARARKA MAANTADowlada Somalia oo ugu baaqday midowga Afrika inuu xaruntiisa ka raro dalka...

Dowlada Somalia oo ugu baaqday midowga Afrika inuu xaruntiisa ka raro dalka Itoobiya.

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan sheikh oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra”iisul Wasaare Xamsa oo Ugu Hambalyeeyey C.X.D.S Sanad-Guurada 64-aad

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...
spot_imgspot_img

Dowlada Somalia ayaa si kulul ugu hadashay xad gudub diblomaasiyadeed oo dowlada Itoobiya kula kacday wafdiga Madaxweynaha Somalia ee Addis ababa kaga qeyb galaya shir madaxeedka sanadlaha ah ee Midowga afrika.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Somalia ayaa lagu cambaareeyey daandaanshi ay dow;ada Itoobiya kula kacday wafdiga Madaxweynaha.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay daandaansiga ay dowladda Itoobiya ku dooneyso inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadka 2024 ka dhacaya magaalada Addis Ababa” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibeda ee Somalia.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Tallaabadani waxay jebisay dhammaan hab-maamuuska dublamaasiyadeed iyo kan caalamiga ah & caadooyinka loo aasaasay ee Midowga Afrika. Marka la eego in anshaxa Ethiopia inay martigeliso xarunta Midowga Afrika, hoggaankeeda iyo dawladeeda waxaa ku waajib ah inay si isku mid ah ula dhaqmaan dhammaan madaxda Afrika”

Dowlada Somalia ayaa sidoo kale uguy baaqday midowga Afrika inuu xaruntiisa ka raro dalka Itoobiya maadaama Itoobiya ay ka xad gudbeyso wufuuda ka qeyb galaysa shirarka midowga Afrika

“Anagoo cambaareynayna falka aan loo meel dayin ee Itoobiya, waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Midowga Afrika inay si deg deg ah u sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo madax-banaan oo ku saabsan falkan foosha xun iyadoo la raacayo hab-maamuuska ururka” ayaa lagu soo gebagebeeyey war saxafadeedka dowlada Somalia.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay isku dayday iney Madaxweynaha Somalia ka hor joogsato ka qeyb galka shirka Midowga Afrika inkastoo markii dambe loo fasaxay.

Siyaasiyiin iyo dad badan ayaa horey u dhaliilay booqashada Madaxweynuhu ugu ambabaxay Itoobiya maadaama Abiy Ahmed uu weli ku adkeysanayo heshiiskii uu la galay Somaliland, waxayna dad badani qabaan in booqashadan ay bahdilaad ku tahay Somalia ayna aheyd in hoos loo dhigo xiriirka Itoobiya.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA DOWLADA SOMALIA

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here