HomeWARARKA MAANTAGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan sheikh oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra”iisul Wasaare Xamsa oo Ugu Hambalyeeyey C.X.D.S Sanad-Guurada 64-aad

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...
spot_imgspot_img

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ugu baxay magaalada Kismaayo ee Caasimadda Ku-meel-gaarka ah ee Dawlad-Gobaleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha ayaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jubbaland Cabdishakur Sh. Maxamed Rashiid, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Nuuradiin Maxamed Khaliid iyo qeybo ka mid ah bahda Garsoorka ee Jubbaland.

Safarka guddoomiyaha, ayaa waxa ku wehelinaayey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaiman Maxamed Maxamuud, iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Tobabarka Garsoorka Mudane Axmed Maxamuud Xasan, waxaana ujeedka safarkoodu uu daaran yahay ka qeyb-galka Shirka Golaha sare ee Machadka Tobabarka Garsoorka Soomaaliya oo ka qabsoomaya magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa, ayaa sidoo kale inta ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo, waxay u kuur-geli doonaan xaaladda guud ee Garsoorka Jubbaland, horumarada socda iyo caqabadaha horyaala intaba.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here