HomeWARARKA MAANTAXuutiyiinta oo geystay Weeraro hor leh oo ka dhan ah UK iyo...

Xuutiyiinta oo geystay Weeraro hor leh oo ka dhan ah UK iyo Mareykanka

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan sheikh oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra”iisul Wasaare Xamsa oo Ugu Hambalyeeyey C.X.D.S Sanad-Guurada 64-aad

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...
spot_imgspot_img

Kooxda Xuutiyiinta ee gacan-saarka la leh Iran ayaa sheegtay masuuliyadda, weerar cusub oo lagu qaaday markab laga leeyahay dalka Ingiriiska iyo weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka dhan ahaa markab dagaal oo Maraykanku leeyahay.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale waxay sheegteen inay qaadeen weeraro loo adeegsaday gantaallada meelaha durugsan gaadha, oo ay la beegsadeen, magaalada dekedda ah ee Eilat ee dalka Isra’il.

Sheegashada masuuliyadda weeraradan oo kooxda Xuutiyiintu ay ku baahiyeen bogga ay ku leeyihiin X, ayaa ku soo beegmaya, waxyar uun ka dib markii uu hadal Digniin ah diray hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta ee gacan-saarka la leh Iran.

Wuxuu hoggaamiyaha ku goodiyay inay kordhinayaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta isticmaalaysa badda cas iyo xataa biyaha kale ee caalamiga ah, si ay uga horyimaaddaan hawlgallada milateri ee Israa’iil ay ka waddo marinka Qaza.

Xuutiyiinta ayaa bilaabay bishii November ee sannadkii hore, weeraro loo adeegsanayo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ka dhan ah maraakiibta maraya biyaha badda cas, si ay taageero ugu muujiyaan Falastiiniyiinta.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here