HomeWARARKA MAANTABannaan-bax rabashado wata oo ka dhacay Muqdisho

Bannaan-bax rabashado wata oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan sheikh oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra”iisul Wasaare Xamsa oo Ugu Hambalyeeyey C.X.D.S Sanad-Guurada 64-aad

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...
spot_imgspot_img

Askar katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa nin dhallinyaro ah ku dilay isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho , xilli halkaasi dad shacab ah ka dhigayeen bannaan-bax cabasho ah .

Sida aan wararka ku helnay askartan katirsan ciidanka ayaa xabbad madaxa kaga dhuftay Cali daahir dheere( Cali Wasiir) oo ahaa nin dhallinyaro ah, waxa uuna xilliga la dilayay ku sugnaa isgooska Siinay oo bannaan0bax ka socday.

Dadka deegaanka oo ka bannaan-baxayay cabasho ay ka qabaan maamulka Wardhiigley iyo kan dgobolka Banaadir ayaa la kulmay rasaas uga timid ciidamo la sheegay in ay ka socdeen saldhigga iyo maamulka degmada Wardhiigley.

Ciidanka dowladda ayaa rasaas ku fureen dadka shacabka ah ee dhigayay bannaan-baxa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah  oo kala haaa wiil iyo gabar, kuwaa oo dhaawacyadooda loola cararay xarumo caafimaad.

Qaar kamid ah dadkii dhigayay bannaan-baxa ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo  ciidanka dowladda, kuwaa ay ku eedeenayeen in si gardarro ah u dilayaan dadka shacabka ah ee loogu tala galay in amnigooda ilaaliyaan.

Dilalka ciidanka u geesanayaan dadka shacabka ayaa kusoo badanaya Muqdisho, waxaana dilalkan aad uga xumaaday dadka shacabka ee caasimadda ku dhaqan, kuwaa oo ka codsaday hay’adaha amniga in tallaabo deg deg ah ka qaadaan askarta dilka geesata.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here