HomeWARARKA MAANTATaliye Cusub oo loo soo magacaabay Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya

Taliye Cusub oo loo soo magacaabay Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan sheikh oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra”iisul Wasaare Xamsa oo Ugu Hambalyeeyey C.X.D.S Sanad-Guurada 64-aad

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...
spot_imgspot_img

Taliyaha cusub ee ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Sareeye Guuto Seif Salim Rashid, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka uu kala wareegay Brig. William Kamoiro oo horay u ahaa taliyaha ciidamadaas.

Munaasabada xil wareejinta ayaa ka dhacday Xarunta ATMIS ee Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee Degmada Dhoobley rr gobolka Jubada Hoose.

Sareeye Guuto Kamoiro oo soo dhameystay kormeerkiisa shaqo ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga Al Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan ee ku sugan aagga mas’uuliyaddu ka saaran tahay ciidamadan.

Wuxuu ku booriyay ciidamada in ay feejignaadaan, iyagoo ku baraarugsan caqabadaha ammaanka ee isa soo taraya, wuxuuna ku celceliyay baaqii Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya , Jeneral Francis Ogola, ee ahaa midnimada iyo go’aan qaadashada soo celinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya  ayaa la filayaa in ay guud ahaan dalka ka baxaan dhammaadka sannadkan 2024 sida uu qorshuhu ahaa.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here