HomeWARARKA MAANTASoomaaliya iyo Hindiya oo Iskaashi Cusub sameysanaya

Soomaaliya iyo Hindiya oo Iskaashi Cusub sameysanaya

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan sheikh oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra”iisul Wasaare Xamsa oo Ugu Hambalyeeyey C.X.D.S Sanad-Guurada 64-aad

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...
spot_imgspot_img

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay wafdi sare oo ka socday dalka Hindiya, oo uu horkacayay Dr. Sureh Kumar oo ah JS-ka ama Xogheyaha wadaagga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya.

Inta uu kulanku socday arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah; iskaashiga Labada dal ee dhinacyada kala duwan iyada oo si gaar ah loo dul istaagay horumarrrada ay ku tillaabsatay Soomaaliya ee dhanka amniga iyo meelaha kale.

Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen safiirkeena dalka India mudane Axmed Cali Daahhir iyo xubno ka socday wasaaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa aad loogu falanqeeyey dhibaatada muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan visaha dalka Hindiya oo ay u aadaan dalalka deriska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin oo arrimahan il gaar ah ku eegaya ayaa  ku taliyey in adeegga visaha loosoo dhoweeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caafimaadka iyo waxbarashada dalkaas u aada, loona keeno magaalada qunsuliyad ay ka dalbadaan visaha.

Wafdigan Hindiya oo ka socday guddiga sare ee dakaasi, qeyna ka yihiin xoghayeyaal iyo saraakiil sare ayaa la kulmaya mas’uuliyiin kala duwan ee dowladda.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here