HomeWARARKA MAANTARa’iisul Wasaare Xamse oo shacabka hordhigay Dalab la xiriira Canshuurta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shacabka hordhigay Dalab la xiriira Canshuurta

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan sheikh oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra”iisul Wasaare Xamsa oo Ugu Hambalyeeyey C.X.D.S Sanad-Guurada 64-aad

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...
spot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay horumarka ay ku tallaabsatay caasimaddu in aan la xaqiijiyeen haddii aan amniga wax laga qaban, isaga oo xusay in horumarka iyo amnigu ay yihiin labo isku xiran oo haddii mid la waayo kan kalana uu meesha ka baxayo.

Xamsa ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha amniga sida ay uga go’an tahay nadiifinta magaalada, si dib loogu soo celiyo bilicdii iyo amnigii ay ku suntanayd Caasimaddu.

“Nabaddu waa tilmaanta quruxda iyo bilicda, marka meel kasta laami la saaro, waxaa kor u kaca nabadda, dhaqaalaha iyo bilicda, dhismaha Jidadku waxa ay muwaadinka u sahlayaan isu socodka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in canshuurta ay bixiyaan si loogu hormariyo dib u dhaska dalka, isagoo faray dadka deggan xarumaha danta guud ah in ay banneeyaan, si bulshada loogu adeego, dibna loogu dhiso.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here