HomeWARARKA MAANTAMaxkamadda Jubbaland oo xukuntay Askar Gaari iyo Hub ula goosatay AS

Maxkamadda Jubbaland oo xukuntay Askar Gaari iyo Hub ula goosatay AS

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan sheikh oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra”iisul Wasaare Xamsa oo Ugu Hambalyeeyey C.X.D.S Sanad-Guurada 64-aad

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...
spot_imgspot_img

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa Maanta waxaa la horgeeyay ciidamo ka tirsanaa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Al-Shabaab ula goosteen Gaari Hartop ah, qori dabajeex ah iyo qori AK47 oo ay lahayd Jubbaland

Eedeysanayaasha kala ah Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xassan Cabdullaahi Maxamed ayaa waxa uu xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland kusoo eedeeyay in ay SAhabaab u gacan galiyeen gaariga oo ay lahayd Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland iyo qori AK47 ah.

Sidoo kale labadan Eedeysane oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa la tilmaamay inay la falgeen Shabaab, halka Eedeysane Mukhtaar Maxamed Cali oo isna ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland lagu helay in Al-Shabaab uu u gacan galiyey qori BKM ama dabajeex ah kaas oo looga bedeshay lacag yar oo dhan 4,500.

Xeer ilaaliyaha Ciidamada Jubbaland G/le dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxmakadda ka hor akhriyey eedda loo haysto eedeysanayaasha maanta Maxkamadda kaso hor muuqday.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/le dhexe Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ugu dambeyn  ku dhawaaqay xukunka saddexda eedeysane oo lagu xukumay min toban sano oo xabsi ciidan ah iyo in ay dib u gudaan hantidii ay ka iibsadeen

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here