HomeWARARKA MAANTASheekh Shariif oo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

Sheekh Shariif oo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan sheikh oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra”iisul Wasaare Xamsa oo Ugu Hambalyeeyey C.X.D.S Sanad-Guurada 64-aad

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...
spot_imgspot_img

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa galabta gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Shariif oo socdaalka ku wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne badan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweyne Deni, iyagoona ka wada arrisan doona xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha wax ka bedelka Dastuurka oo labada mas’uul kasoo horjeedan.

Magaalada Garawe waxaa shalay gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo isna si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe, labadan Madaxweyne ayaana leh isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh.

Madaxweynayaashii hore ee dalka  iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si isku mid ah uga soo horjeeda qorshaha wax ka bedelka Dastuurka KMG, waxaana madaxdan la filayaa in kulamo yeeshaan ayna soo saaraan go’aanno.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here