HomeWARARKA MAANTAMaxkamadda amartay in Burcad-baddeed Soomaali ah lagu sii hayo Xabsiga

Maxkamadda amartay in Burcad-baddeed Soomaali ah lagu sii hayo Xabsiga

Date:

Related stories

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2024

Dhageeyso warka habeenimo ee Radiojowhar  warka waxaa aqrinaya wariye...

Madaxweyne Xasan sheikh oo Ugu Hambalyeeyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanad-Guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra”iisul Wasaare Xamsa oo Ugu Hambalyeeyey C.X.D.S Sanad-Guurada 64-aad

Ra’iisul WasaarahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...
spot_imgspot_img

Maxkamadda magaalladda Mumbai ee Caasimada Gobalka Maharashtra ee K/Galbeed ee dalka Hindiya waxaa maanta la soo taagay 35 Muwaadiniin Soomaali ah, kuwaasi oo shalay lagu wareejiyey Ciiddanka Boliska ee dalkaasi.

Eedeysanayaasha waxa maanta la hor geeyey Maxkamadda magaalladda Mumbai oo horey loo oran jirey Bombay.

Garsoorka Maxkamadda Mumbai waxay oggolaatay in ay Ciiddanka Boliska gacanta ku sii hayaan Eedeysanayaasha muddo 10 maalmood, ilaa laga soo dhamaystirayo Gal-dacwadeedka Kiiska loo haysto.

Eedeysanayaasha Soomaalida waxaa lagu soo qabtay Iska-horimaad qaatay 40 saacadood la galeen Markab Dagaal oo ay Ciiddanka Badda Hindiya leeyihiin bishan March 15-dii.

Qabashada Burcad-baddeedaasi waa tiradii ugu badnayd ee lagu maxkamadeeyo dalka Hindiya muddo haatan laga joogo ku-dhawaad 6 sano.

Sanadkii 2011-kii, 120 Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu soo qabtay hawlgalo ka dhacay badda Somalia ayaa lagu maxkamadeeyey dalka Hindiya,

iyadoo lagu xukumay  Xabsi 7 sano ah oo ay ku qaateen Xabsiyo ku yaalla magaallada Mumbai ee dalka Hindiya.

Labo ka mid ah Burcad-baddeedaasi ayaa ku dhintay Xabsiga, halka 118-kii kale dib loogu soo celiyey dalka Hooyo, kadib, markii ay dhamaysteen Xukunadii lagu riday.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here