ciidanka Nabad sugida oo soo bandhigay horjooge ka Tirsana al shabaab

Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee ka howlgala degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa soo bandhigay nin oday ah oo la sheegay in uu katirsanaa dagaallamayaasha Al Shabaab.

Axmed Mursal Macalin Nuur oo loo yaqaan Axmed Kawaan ayaa isaga soo tagay kooxda Al Shabaab uu katirsanaa, waxa uuna ninkan xiriir lasoo sameeyay ciidanka Nabbad sugida uu isku soo dhiibay.

Ninkan isku soo dhiibay ciidanka Nabbad sugida ayaa la sheegay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa sahanka iyo ka soo aruurinta bulshada rayidka ah carruurta ay sida qasabka ah ku askaraystaan kooxda Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa soo bandhigay xubno dhowr ah oo la sheegay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab ,kuwaa oo go’aansaday in ay kasoo goostay dowladda iskuna soo dhiibaan ciidanka dowladda.