390-ka xildhibaan ee goloyaasha deegaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Mogadishu. Xildhibaanadan ayaa ah xubnihii ku soo baxay doorashadii golaha deegaanka, waxaana hadda si rasmi ah u bilaabanaya waajibaadkooda shaqo.
Dhaarinta xildhibaanadan waxaa fuliyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, oo mid mid u dhaariyey xubnaha, iyadoo hortooda la dhigay Kitaabka Quraanka Kariimka ah.
Xildhibaanada ayaa ku dhaartay inay si daacad ah u gudan doonaan mas’uuliyadda loo igmaday, isla markaana ay u adeegayaan shacabka iyo horumarka gobolka.
Munaasabadda dhaarinta ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka. Tani waxay calaamad u tahay dhameystirka marxalad muhiim ah oo la xiriirta dhismaha golayaasha deegaanka ee Banaadir.
Xildhibaanadan cusub ayaa la filayaa inay si degdeg ah u guda galaan howlaha muhiimka ah ee horyaalla, oo ay ka mid yihiin, dejinta qorshayaasha horumarineed, iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada ee ka jira degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir.


