Wednesday, March 11, 2026

Amed madoobe oo war Ka soo Saaray Dagaalkii Kudhaa

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa bogaadiyey Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo Kumaandooska Danab kaddib guulo waaweyn oo ay ka gaareen maleeshiyaadka Khawaarijta, intii lagu guda jiray howlgallo culus oo ka dhacay deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose.

Howlgalka oo socday in ka badan 24 saac ayaa lagu dilay in ka badan 59 dagaalame oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka 42 kale lagu dhaawacay.

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay 10 gaari dagaal oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen weerarrada ay ku dhibaateeyaan shacabka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in howlgalkan uu ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyay, isla markaana lagu fashiliyey damacii cadowga ee ahaa inay dhibaato u geystaan amniga iyo xasilloonida deegaannada Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland ayaa Alle uga baryay inuu Janno ka waraabiyo halyeeyadii Ciidamada ee ku shahiiday howlgallada, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen. Sidoo kale, wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhammaan ciidamada ku dhaawacmay howlgallada.

WARARKII KALE

Wafdi ka socda DFS oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Markab xammuul oo lagu weeraray Marinka Hormuz

Markab xammuul qaada oo ku dhow Marinka Hormuz ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in Dhammeystirka Dastuurka la kala tashtay siyaasiyinta mucaaradka ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali ayaa sheegay in...

Ciidan cusub oo ku biiray abaabulka ka dhanka ah Lafta gareen

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa ka...

Dekedda Muqdisho oo ku biirtay ururka caalamiga ah ee dekedaha (IAPH)

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dekeddu si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles