Monday, April 6, 2026

Axmed Madoobe oo ka adkaaday Xasan Sheekh iyo Waaranka oo laga laabtay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka laabatay waarankii hore ee soo qabashada Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qaraar ka soo baxay maxkamadda maanta oo taariikhdiisu tahay 29/01/2026 ayaa lagu sheegay in la baabi’iyay amarkii xarigga ee hore loogu soo saaray Axmed Madoobe, kadib codsi iyo dib-u-eegis sharciyeed oo la xiriira kiiskaasi.

Go’aankan ayaa waxaa uu jeedkiisu yahay in  lagu tixgeliyo xaaladda siyaasadeed iyo wada-hadallada socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Jubbaland.

Sidoo kale Tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo wadahadalka siyaasadeed iyo dejinta khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Jubbaland, inkastoo weli Dowladda Federaalka aysan si buuxda u aqoonsan xilka Madaxweyne Axmed Madoobe, sida ka muuqata qoraalka maxkamadda.

Dhanka kale, Maamulka Jubbaland ayaa horey u soo saaray waaran soo qabasho ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.

Khilaafkan ayaa salka ku haya muran siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, awood qeybsiga, iyo maamulka gobollada.

Sidoo kale, horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo u geysay deegaanka Raaskambooni, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo culus. Dagaalladaas ayaa sababay in tiro ciidamo ah la qabto, halka kuwo kalena ay u gudbeen gudaha dalka Kenya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la Qaatay Gogaanka Guud Ee Dhaqanka Koofur galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah...

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay...

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo qeylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles