Thursday, January 8, 2026

Banaanbax looga soo horjeedo Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb gelaya qaybaha kala duwan ee bulshadda,maamulka gobolka Banaadir,bulshada rayidka iyo madax kala duwan iyadoo halkaas shacabka iyo madaxduba ku soo bandhigayaan siday uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil sidoo kalena diyaar ugu yihiin difaaca midnimada Soomaaliya iyo ilaalinteeda.

Culimada waaweyn ee dalka oo dadweynaha la hadlay ayaa si weyn carabka ugu adkeeyey siday waajibka u tahay difaaca midnimada dalka ugu horayn Sheekh Cali Wajiis oo goobta ka hadlay ayaa yiri”Culimada Soomaaliyeed saaka waxay iskugu soo baxeen in ay dadka ka wacyi geliyaan dhagarta Israa’iil ay la damacsan tahay kala goynta .”

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo goobta kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri “Maanta oo kale, madax, culimo iyo shacab waxaa la gudboon in aysan u kala harin ka hortagga burburka ay nala damacsan tahay Israa’iil.”

Sheekh Cabdullaahi Axmed ayaa isaguna si adag u sheegay in Dadka Soomaaliyeed ma aqbali doonin in Israa’iil ku soo xadgudubto midnimada dalkeenna.

Guddoomiyaha Ku-xigeenka midowga golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isaguna yiri “Haddaan nahay Islaam, walaalo ma nihin Yuhuuda, mana yeeli doono in nagula soo xadgudbo.”

Guddoomiyaha midowga golayaasha Culimada Soomaaliyeed Sheekh Suufo Yare oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri “Culimada Soomaaliyeed maanta waxay sameynayaan bannaanbax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo, si aan u muujinno mowqifka culimada ee ah ilaalinta midnimada ummadda.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha...

Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi...

DFS oo Ka jawaabtay eedeynta Mareykanka ee ku saabsan Boobka Bakhaarka WFP

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka war heshay bayaan kasoo...

Cusmaan Dubbe oo dib ugu laabtay Hargeysa

Wasiir iyo Xildhibaan hore, Cusmaan Dube, oo kasoo jeeda...

DFS oo diyaarisay ciidamo loogu tala galay inay Al-shabaab ka saaraan Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Saraakiisha Qeybta 27’aad, iyo Saraakiisha Qeybta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles