Sunday, March 1, 2026

Bill Clinton oo la dhigey Isbitaal ku yaal Washington

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton, ayaa la dhigay isbitaal kaddib markii ay xummadi la soo daristay, sida uu sheegay afhayeenka xisbiga Dimuqraadiga.

“Waxa uu ku jiraa xaal wanaagsan, waxaana uu si weyn u socda daryeelka heerka sare ah ee uu helayo,” ayuu Angel Ureña ku qoray bartiisa X, oo horey loo oran jiray Twitter.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Clinton loo qaaday Isbitaalka Jaamacadda Georgetown ee Washington, DC, fiidnimadii Isniinta, si baaritaan iyo dabagal loogu sameeyo kaddib markii qandho ku dhacday.

Bayaan uu soo saaray Ureña laguma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynihii Dimuqraadiga oo ka soo jeeda Arkansas, hase ahaatee warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Clinton la filayo inuu ka bogsado.

Ilo ku dhow Clinton ayaa u sheegay NBC News in xaaladdu aysan degdeg ahayn, isla markaana madaxweynihii hore uu “wanaagsan” yahay. Shabakadda wararka ayaa soo tabisay in Clinton uu feejigan yahay oo uu soo jeedo.

Tani waa khatartii caafimaad oo u dambeysay ee soo wejahda madaxweynihii 42aad ee Mareykanka, kaas oo Aqalka Cad ka talinayey intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2001.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles