Thursday, October 23, 2025

Bill Clinton oo la dhigey Isbitaal ku yaal Washington

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton, ayaa la dhigay isbitaal kaddib markii ay xummadi la soo daristay, sida uu sheegay afhayeenka xisbiga Dimuqraadiga.

“Waxa uu ku jiraa xaal wanaagsan, waxaana uu si weyn u socda daryeelka heerka sare ah ee uu helayo,” ayuu Angel Ureña ku qoray bartiisa X, oo horey loo oran jiray Twitter.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Clinton loo qaaday Isbitaalka Jaamacadda Georgetown ee Washington, DC, fiidnimadii Isniinta, si baaritaan iyo dabagal loogu sameeyo kaddib markii qandho ku dhacday.

Bayaan uu soo saaray Ureña laguma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynihii Dimuqraadiga oo ka soo jeeda Arkansas, hase ahaatee warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Clinton la filayo inuu ka bogsado.

Ilo ku dhow Clinton ayaa u sheegay NBC News in xaaladdu aysan degdeg ahayn, isla markaana madaxweynihii hore uu “wanaagsan” yahay. Shabakadda wararka ayaa soo tabisay in Clinton uu feejigan yahay oo uu soo jeedo.

Tani waa khatartii caafimaad oo u dambeysay ee soo wejahda madaxweynihii 42aad ee Mareykanka, kaas oo Aqalka Cad ka talinayey intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2001.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles