Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay halkaas geeyeen ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed oo hore uga soo baxay Baraawe.
Ciidamadan oo ku safrayay doomo ayaa la xaqiijiyay inay goordhow soo gaareen dekedda Kismaayo, kadib safar badeed qaatay in ka badan 24 saac. Markii ay gaareen magaalada, waxaa si degdeg ah loo dajiyay ciidanka, iyadoo la geeyay goob gaar ah oo aan faahfaahin badan laga bixin.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay qeyb ka ahaayeen kuwii ka baxay Baraawe xilli ay sii kordhayso xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa la sheegay inuu saameyn ku yeelan karo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobollada Koonfurta dalka, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan dhinacyada isku haya khilaafka.


