Thursday, January 8, 2026

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta Tababar loogu soo xiray Muqidsho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye-Gaas Odawa Yusuf Rage ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo diiradda saaraya kobcinta awoodda, xirfadda, iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada qalin-jabiyay faray inay si dhab ah u gutaan waajibkooda ah ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida qaran ee dalka, si looga difaaco cadowga gudaha iyo kan dibadda ee ka soo horjeeda horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa faray ciidanka inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadka ay u dhaarteen, si loo sugo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Intii ay munaasabaddu socotay, ciidamadu waxay soo bandhigeen xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii tababarka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, xeeladaha dagaalka, iyo farsamooyinka difaac-nafsiga, taasoo muujinaysa heerka diyaargarow ciidan iyo tayada tababarka ay qaateen.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odawa Yuusuf Raage, Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ise Axmed, Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga, taliyayaasha ciidamada Cirka iyo Badda iyo martisharaf kala duwan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha...

Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi...

DFS oo Ka jawaabtay eedeynta Mareykanka ee ku saabsan Boobka Bakhaarka WFP

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka war heshay bayaan kasoo...

Cusmaan Dubbe oo dib ugu laabtay Hargeysa

Wasiir iyo Xildhibaan hore, Cusmaan Dube, oo kasoo jeeda...

DFS oo diyaarisay ciidamo loogu tala galay inay Al-shabaab ka saaraan Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Saraakiisha Qeybta 27’aad, iyo Saraakiisha Qeybta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles