Monday, April 13, 2026

Ciidankii Lafta gareen ee xoogga looga saaray Baydhabo oo la xaliyay

Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay in ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay heli doonaan xuquuq iyo faa’iidooyin la mid ah kuwa ciidamada qaranka, kaddib dadaallo dib-u-heshiisiin ah oo muddooyinkii la soo dhaafay ka socday gobolka.

Kulamo muhiim ah oo lala yeeshay saraakiisha iyo ciidanka Daraawiishta ayaa lagu heshiiyay in la mideeyo ciidamada, isla markaana dib loogu celiyo xeryahooda hore ee Baydhabo, oo ay ka howlgaleen.

Kulamada is-afgaradka ayaa waxaa hoggaaminayay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi.

Kulamada ayaa ka dhacay deegaanka Awdiinle, halkaas oo ciidamadu ku sugnaayeen muddooyinkii dambe.

Ciidanka Daraawiishta oo Dib ugu Laabtay Baydhabo: Ciidanka Daraawiishta ee hore uga soo baxay Baydhabo ayaa hadda dib loogu celiyay magaalada iyo xeryahoodii hore ee ay ka howlgalayeen, taasoo muujinaysa guul laga gaaray dadaalladii dib-u-heshiisiinta iyo mideynta ciidamada.

Ciidamadan ayaa hore u taageeray Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, oo markii dambe ka tanaasulay xilka, taasoo keentay in ciidamadaas loo baahan yahay in lagu mideeyo ciidanka dowladda si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo amni guud.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan...

RW Xamsa “Dal ma jiri karo haddii uusan lahayn awood ciidan oo looga cabsado”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Golaha Mustaqbalka oo ka digay siyaasad loo adeegsado ciidanka Qaranka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku...

Iran oo ka hadashay qorshaha Mareykanka ee Hormuz

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in go’adoominta marin-biyoodka Hormuz ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles