Friday, April 3, 2026

Daacish oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday ciidamada Puntland

Xubno katirsanaa kooxda gabalkooda sii dhacayo ee Daacish, ayaa saakay aroortii weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, waxa ay ku qaadeen ciidamo katirsanaa kuwa difaaca Puntland, oo ku sugnaa saldhig ay ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin togga Afka Curaar.

Ciidamada Puntland, ayaana wararku sheegayaan in ay fashiliyeen weerarka qaraxyada ku bilowday ee lagu soo qaaday, waxa ayna ciidamada dileen xubno badan oo katirsanaa dableyda kooxda Daacish ee saakay weerarka kusoo qaaday.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in kooxda markii hore ciidamada kusoo weerareen qarax ismiidaamin ah, waxaana qaraxa kaddib weerar toos ah saldhigga ciidamada joogen kusoo qaaday dabley katirsanaa kooxda Daacish.

Ciidamada Puntland, ayaana la sheegay in xubnaha weerarka kusoo qaaday ay dileen u badnaayeen ajaaniib katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo ciidamada durba meydadkooda ku baahiyeen baro ay ku leeyihiin intetnetka , gaar ahaan Telgaram.

Kooxda Daacish , ayaa  shalay si weyn loogu jebiyay dagaalkii ka dhacay Ceelka Miraale, islamarkaana laga qabsaday taliskii weynaa ee Ceelka Miraale ayaa isku dayay in ay ciidamada u daba-marto saldhiga Afka Curaar, taasi oo ay fashiliyeen ciidamadu.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

390 Xildhibaan oo lagu dhaariyey Magaalada Muqdisho

390-ka xildhibaan ee goloyaasha deegaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koofur Galbeed iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhaweeyay Beydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hidise sharciyeedyo baaqna ka soo saaray Colaada gobolka Awdal

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Wafdi culus oo hor u dhac ah u MW Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku qul qulaya Wafuud ka...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo hoggaamiyaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles