Wednesday, April 1, 2026

Dad badan oo ku biiray mudaharaadyo ka dhan ah Trump oo ka socda Mareykanka

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka guud ahaan Mareykanka maalintii Sabtida si ay uga mudaaharaadaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mudaaharaadyadan oo loo yaqaan “50501”, oo ah “50 mudaaharaad, 50 gobol, 1 dhaqdhaqaaq”, ayaa loo qorsheeyay in ay la jaanqaadaan sannad-guuradii 250-aad ee bilowgii Dagaalkii Xorriyadda ee Mareykanka.

Meelo badan sida dibedda Aqalka Cad, xarumaha ganacsiga Tesla, iyo bartamaha magaalooyinka waa weyn, dadku waxay muujinayeen cabashooyin kala duwan. Qaar badan ayaa codsaday in dib loo soo celiyo Kilmar Ábrego García, oo si khaldan loogu tarxiilay El Salvador.

Mudaaharaadyada siyaasadeed ayaa sii kordhaya gudaha Mareykanka, iyadoo mudaharaadyadii “Hands Off” ee billowgii Abriil ay soo jiiteen dad badan, xilli sahanno muujinayaan in sumcadda Trump ay hoos u sii dhacayso.

Banaanbaxyadii Sabtida ayaa diiradda saaray dhowr tallaabo oo uu qaaday Madaxweyne Trump, oo ay ku jiraan kuwa ay qaaday Waaxda Hufnaanta Dowladda (Doge) oo ah hindise uu Trump wato si loo dhimo shaqooyinka dawladda Mareykanka iyo kharashaadka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay wasiirada Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed...

Askar ka tirsan DFS oo Nabadoon ku dilay deegaanka Lambar 50

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Xulka Qaranka kaddib guul taariikhi ah oo ay ka gaareen AFCON 2027

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo...

Trump oo war cusub ka soo saaray dagaalka Iran

Madaxweyne Trump ayaa u sheegay weriyayaasha in Maraykanku uu...

NISA oo burburisay xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Shabeellooyinka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles