Tuesday, March 24, 2026

Dagaal culus oo ciidamada isbahaysanaya iyo Al-Shabaab ku dhexmaraya gobolka Hiiraana

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa in uu maalintii labaad oo xiriirra ku dhexmarayo gobolka Hiiraan ciidamada dawladda oo ay taagerayaan kuwa midowga afrika iyo kuwa qabaa’ilka oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dagaalka maanta ayaa u badan duqeyn loo adeegsanayo diyaarado iyo madaafiicda goobta oo lagu garaacayo difaacyada Al-Shabaab ee tuulada Jiciboow oo ku taala webiga dhiniciisa bari una dhaxaysa magaalooyinka Halgan iyo Buulo Burdo.

Dagaalkii shalay oo bilowday barqadii ayaa soo gaaray xalay fiidkii, waxa uuna markale bilowday saaka.

Ciidamada Jabuuti ee kamidka ah hawgalka AUSSOM ayaa adeegsanaya qoriga BM-ka iyagoo duqeynaya dhufeyso adag oo kooxda Al-Shabaab ay ka sameysteen aagagga hore ee Jiciboow.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyay dagaalka socda, waloow todobaadkan bartamihiisii dagaaladdii dhacay ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof.

Saraakiisha dawladda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa guullo ka sheegtay dagaalka, waxaase muuqata in dagaalka la isku mari la’yahay gaar ahaan kan ka socda Jiciboow.

Dawladda iyo Al-Shabaab midba midka kale waxa uu sheegayaa in uu ka dilay tobannaan askari, laakiin ma jirto cid madaxbannaan oo xaqiijinaysa sheegashada labada dhinac maadaama dadka rayidka ah ay muddo hore isaga qaxeen deegaanka lagu dagaalamayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Putin oo si cad u sheegay inuusan joojineyn taageerada uu siiyo Iran

Dowladda Russia ayaa si adag u beenisay warar sheegaya inay qorsheyneyso...

Shiikh Shariif oo taageeray doorashada uu qabsanayo Laftagareen

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Somalia...

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiraan oo beeniyay inuu wadahadal dhexmaray Trump iyo madaxda Iiraan

Madaxweyne Trump ayaa hadda shaaca ka qaaday  in ay...

Trump oo hakiyay duqeymaha Iran 5 maalmood, wada-hadallo xasaasi ah oo furmay

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyay in dowladda Mareykanka...

Taliyaha ciidamada Haramcad oo gaaray Baraawe

Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil, ciidamo iyo hub dheeraad ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles