Monday, April 6, 2026

DFS oo aqbashay in Deni iyo Axmed Madoobe ay hub la yimaadaan Muqidsho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqbashay in madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay caasimadda yimaadaan iyagoo wata ilaaladooda iyo hubkooda culus.

Odayaal dhaqan iyo Beesha caalamka ayaa la sheegay in caddaadis xooggan ay saareen madaxda DFS, taasi ayaa keentay in dowladda ay ogolaato in Deni iyo Axmed Madoobe ay hubkooda kala soo degaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxdan oo la filayay inay maanta soo gaaraan Muqdisho ayaa hakiyay safarkooda sababo la xiriira arrimo amni, balse wararka hadda la helayo ayaa tilmaamaya in maalmaha soo socda ay imaan doonaan, si ay uga qayb galaan gogosha wadatashiga qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, waxaa socda dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed, kuwaas oo ay hormuud ka yihiin odayaasha dhaqanka, si loo helo xal waara oo lagu dhammeeyo khilaafka taagan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ergo ahaan u soo dirsaday Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ganacsade Mursal Kadiye iyo xubno kale, kuwaas oo wadahadallo la yeeshay dhinacyada siyaasadda, oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ergadaasi ayaa farriin ka waday madaxtooyada Soomaaliya oo muujineysa in dowladda federaalka ay ka garaawsatay khaladkii ka dhashay tallaabadii hore loogu celiyay diyaarado siday wafdiyo ka socday Jubbaland iyo Puntland.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu dejinayo xiisaddii siyaasadeed ee soo xoogeysanaysay, islamarkaana lagu xoojinayo wada-hadalka iyo is-afgaradka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la Qaatay Gogaanka Guud Ee Dhaqanka Koofur galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah...

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay...

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo qeylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles