Taliyaha Ciidanka Dhulka, Saraakiisha Qeybta 27’aad, iyo Saraakiisha Qeybta 21’aad, ayaa degmada Matabaan kula dardaarmay cutubyo Ciidanka XDS, oo loo diyaariyay hawgallo ka dhan ah Khawaarijta.
Ciidankaan oo ay u soo dhamaatay Tababar heer sare ah oo muddo u socday ayaa soo bandhigay awood iyo karti, iyo u diyaarsanaantooda Hawlgallada lagu sifaynayo Khawaarijta ee ka socda dhamaan Gobalada Dalka.
Dowladda ayaa bilahaan dambe wadda guluf wayn oo ay khawaarijta uga sifaynayso deegaano kala dawan.


