Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka war heshay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kaas oo la xiriira eedeymo ku saabsan bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), sida lagu sheegay Bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya.
Dowladdu waxay caddeysay in dhammaan agabka gargaarka ee lagu xusay warbixinnada uu weli si buuxda gacanta ugu jiro WFP, oo ay ku jirto kaalmada uu bixiyo Mareykanka.
Sidoo kale, bakhaarka WFP ee la sheegay wuxuu ku yaallaa gudaha aagga Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan hawlo ballaarin iyo dib-u-habeyn la xiriira horumarinta dekedda. Hawlahaas ma saameynayaan haynta, maareynta, ama qaybinteeda gargaarka bani’aadannimo.
Dowladdu waxay arrintan dib-u-eegis ku sameyneysaa iyada oo guddi farsamo oo ka kooban hay’ado kala duwan la kaashaneysa saaxiibada gargaarka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da bani’aadannimo, hufnaanta iyo isla xisaabtanka, waxayna qiimeynaysaa iskaashiga ay la leedahay Mareykanka iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.


