Saturday, March 21, 2026

DFS oo magacowday Taliyaha Qeybta Booliska G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe) u magacowday Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo xilkaasi uu kala wareegayo Amiin Mad-daruur.

Wararka ayaa sheegaya in Amiin uu ka mid ahaa saraakiisha ku sugan magaalada Baydhabo ee la safan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, isla markaana uu diiday inuu u hoggaansamo amar kaga yimid dowladda Federaalka oo ahaa inuu yimaado Muqdisho.

Magacaabista Sadiiq Aadan Cali ayaa ku soo beegmeysa xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo maamulka ciidamada.

Sadiiq Duudishe ayaa leh khibrad dheer, isagoo muddo ku dhow 20 sano ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale Layli Sarkaalnimo ku soo qaatay dalka dibadiisa intii u dhaxeysay 2007 ilaa 2010, wuxuuna soo qabtay jagooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Booliska, Taliye Xigeenka CID, iyo Taliye Xigeenka Hoggaanka Howlaha Booliska.

Magacaabistan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah qorsho dowladda Federaalka ay ku xoojinayso siddii gacanta ay u dhigi laheyd magaalada Baydhabo, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo weli taagan.

 

WARARKII KALE

Xildhibaano ka soo jeeda KGS oo lagu xanibay garoonka Muqdisho

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda...

Lafta gareen oo tababar u soo xiray Ciidamo cusub

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta...

Maamulka G/Bakool iyo kan Xudur oo qaadacay Lafta gareen

Maamulka Gobolka Bakool iyo Degmada Xuddur oo si adag...

Ciidamada KGS ee ka baxay Baraawe oo gaaray Baydhabo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada...

MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee KGS

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles