Wednesday, July 2, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka mid ah ay  dhawaan kasoo muuqatay maxkamadda ciidamada qalabka sida, kaddib markii lagu helay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Lammaanahan, oo kala ah Abshir Aadan Maxamed iyo Xafso Maxamed Macallin, ayaa dhaliyay hadal-hayn badan, iyaga oo noqday sheeko xiiso badan oo baraha bulshada qabsatay. Abshir, oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab, ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, xilli ay gacanta kusoo dhigtay Xafso, oo la sheegay inay safar u ahayd deegaannada kooxdaasi maamusho si ay halkaas ugu guursato ninka ay jeceshahay.

Sida ay ilo-wareedyo dowladeed sheegayaan, saacadaha soo socda ayaa lammaanaha loo dhigi doonaa aroos ay si rasmi ah u garwadeynayso dowladda. Go’aankan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo xubnaha Al-Shabaab ee doonaya inay ka tanaasulaan fikirka xagjirka ah oo ay dowladda isku soo dhiibaan.

Abshir Aadan Maxamed ayaa marar hore  sheegay in jacaylka uu u qabo Xafso uu sababay inuu go’aansado ka bixitaanka kooxda, si uu uga badbaadiyo gabadha dambiga lagu heysto.

Sheekadooda oo si aad ah ugu faaftay baraha bulshada ayaa dhalisay dood xoogan, iyadoo dad badani siyaabo kale duwan kaga hadleen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab inay isa soo dhiibaan, iyadoo ballanqaaday cafis iyo nolol ka duwan tan ay hadda ku jiraan.

Tallaabadan lagu guurinayo lammaanahan ayaa loo arkaa mid lagu muujinayo in dowladda ay isku dayeyso inay hesho habab cusub oo lagula tacaalo fikirka xagjirka ah, iyada oo adeegsanaysa awoodda jacaylka iyo cafiska si dhalinyarada loogu soo jiido nabadda.

Waxaa la filayaa in xafladda arooska ay ka qaybgalaan saraakiil ka tirsan dowladda, culimaa’udiin, iyo odayaal dhaqameed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles