Sunday, March 1, 2026

Duqa Muqdisho oo Dhagax Dhigay Wado Laami Ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagaxdhigay waddo Laami ah oo laga hirgelinaayo degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya bulshada, ganacsatada iyo maamulka degmada ee lagu horumarinaayo kaabayaasha isku socodka waddooyinka, asigoona xusay in barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar loogu gol leeyahay in bulshada ay iyadu isku tashato isla markaana ay qeyb ka noqdaan horumarka dalka.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha degmada Daarusalaam Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, Madax ka socotay Bangi gacan ka geysanaya dhismaha wadadaan iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Daarusalaam.

Degmada Daarusalaam oo dhawaan degmo laga dhigay , ayaa horey u laheyd kaliya hal laami oo dheer oo taga xaafada casriga ah ee laga dhisay degmadaasi, waxa uuna laamigan maanta la dhagax dhigay noqonayaa kii labaad oo yeelaneyso Daarusalaam.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles