Thursday, March 5, 2026

Gaadiid qaraxyo iyo raggii siday oo lagu beegsaday Gobolka Baay

Warsaxaafadeed Ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Buur Eyle ee degmada Buur Hakaba, gobolka Bay.

Hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo muddo lagu daba-socday, kuwaas oo diyaarinayay weerarro is-qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo lagu rakibay.

Bayaanka ayaa waxaa intaasi lagu daray in  22 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgalka, halka sidoo kale la burburiyay dhammaan agabkii qaraxyada iyo gaadiidkii qaraxyada siday.

Xogta la helay ayaa muujinaysa in kooxdaasi ay qorshaynayeen weerarro lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed iyo bartilmaameedyo amni, balse ciidamada Danab ayaa ka hortagay qorshahaas ka hor inta uusan fulin.

Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab, oo ay wehliyeen saaxiibada caalamka, ayaa si nabadgelyo ah ugu soo laabtay saldhigyadoodii kaddib dhammeystirka hawlgalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles