Warsaxaafadeed Ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Buur Eyle ee degmada Buur Hakaba, gobolka Bay.
Hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo muddo lagu daba-socday, kuwaas oo diyaarinayay weerarro is-qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo lagu rakibay.
Bayaanka ayaa waxaa intaasi lagu daray in 22 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgalka, halka sidoo kale la burburiyay dhammaan agabkii qaraxyada iyo gaadiidkii qaraxyada siday.
Xogta la helay ayaa muujinaysa in kooxdaasi ay qorshaynayeen weerarro lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed iyo bartilmaameedyo amni, balse ciidamada Danab ayaa ka hortagay qorshahaas ka hor inta uusan fulin.
Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab, oo ay wehliyeen saaxiibada caalamka, ayaa si nabadgelyo ah ugu soo laabtay saldhigyadoodii kaddib dhammeystirka hawlgalka.


