Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, waxaana xilkaasi loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Jeneraal Ibraahim horey wuxuu u ahaa Taliyaha Taliska Taakulada Guud ee Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha ay soo tababartay dowladda Turkiga.
Jeneraal Odawaa, oo laba mar soo noqday taliyaha milateriga, ayaa lagu beddelay sarkaal da’ yar, taas oo muujinaysa isbeddel lagu sameynayo hoggaanka ciidamada.
Inkastoo sabab rasmi ah aan la shaacin, balse waxaa xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay ciidamada ay ka baxeen deegaano badan oo muhiim ah, taas oo keentay cabashooyin ku saabsan waxqabadka ciidamada.
Magacaabista taliyaha cusub ayaa ku soo aadeysa xilli dalka uu wajahayo caqabado amni oo joogto ah, waxaana la filayaa in Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud uu hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.


