Wednesday, November 12, 2025

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday shir muhiim ah oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Shirkan ayaa daba socday kulamo hore oo ay guddiyo farsamo yeesheen 5–8 November 2025, kuwaas oo loo xilsaaray dejinta siyaasadda iyo qorshaha Golaha Mustaqbalka, gaar ahaan qabsoomidda Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee lagu wado inuu ka dhaco gudaha Soomaaliya.

Iyadoo laga duulayo xaaladda cakiran ee amni, hubanti la’aanta siyaasadeed iyo dhaawaca gaaray midnimada iyo wadajirka dalka, Golaha Mustaqbalka ayaa go’aamiyay in la dardar-geliyo qabsoomidda shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si loo helo hannaan mideeya aragtida mucaaradka iyo madaxda goboleedyada.

Golaha Mustaqbalka wuxuu ku baaqay in la dhowro dhaqankii wanaagsan ee dimuqraadiyadda, islamarkaana doorashooyinka hay’adaha dowladda federaalka lagu qabto waqtigooda si waafaqsan heshiisyadii hore ee dalka, loogana fogaado muddo kororsi sharci darro ah.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeeyay in aan wax ka beddel lagu samayn karin Dastuurka KMG ah ama heshiiskii siyaasadeed ee 2012-kii lagu dhisay nidaamka federaalka, haddii aanay dhammaan dhinacyadu ku heshiin.

Golaha ayaa digniin u diray madaxda Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in talaabo kasta oo horseedaysa muddo kororsi, ama carqaladayn ku timaadda doorashooyinka, ay khatar ku tahay midnimada iyo wadajirka dalka.

Golaha Mustaqbalka wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya inuu ku soo noqdo hoggaansanaanta Dastuurka iyo heshiisyadii hore, isla markaana uu hormuud u noqdo qabsoomidda doorasho daah-furan oo heshiis lagu yahay, laguna qabto waqtigeeda.

Ugu dambeyntii, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, islamarkaana ay ka qaybqaataan badbaadinta mustaqbalka dalka iyo sidii doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda loo heli lahaa.

 

WARARKII KALE

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Venezuela oo diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladda...

Mas’uuliyiin xasaanad leh iyo maleeshiyaad lagu eedeeyay colaadda Wanlaweyn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa degmada Wanlaweyn...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles