Tuesday, April 7, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday shir muhiim ah oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Shirkan ayaa daba socday kulamo hore oo ay guddiyo farsamo yeesheen 5–8 November 2025, kuwaas oo loo xilsaaray dejinta siyaasadda iyo qorshaha Golaha Mustaqbalka, gaar ahaan qabsoomidda Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee lagu wado inuu ka dhaco gudaha Soomaaliya.

Iyadoo laga duulayo xaaladda cakiran ee amni, hubanti la’aanta siyaasadeed iyo dhaawaca gaaray midnimada iyo wadajirka dalka, Golaha Mustaqbalka ayaa go’aamiyay in la dardar-geliyo qabsoomidda shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si loo helo hannaan mideeya aragtida mucaaradka iyo madaxda goboleedyada.

Golaha Mustaqbalka wuxuu ku baaqay in la dhowro dhaqankii wanaagsan ee dimuqraadiyadda, islamarkaana doorashooyinka hay’adaha dowladda federaalka lagu qabto waqtigooda si waafaqsan heshiisyadii hore ee dalka, loogana fogaado muddo kororsi sharci darro ah.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeeyay in aan wax ka beddel lagu samayn karin Dastuurka KMG ah ama heshiiskii siyaasadeed ee 2012-kii lagu dhisay nidaamka federaalka, haddii aanay dhammaan dhinacyadu ku heshiin.

Golaha ayaa digniin u diray madaxda Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in talaabo kasta oo horseedaysa muddo kororsi, ama carqaladayn ku timaadda doorashooyinka, ay khatar ku tahay midnimada iyo wadajirka dalka.

Golaha Mustaqbalka wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya inuu ku soo noqdo hoggaansanaanta Dastuurka iyo heshiisyadii hore, isla markaana uu hormuud u noqdo qabsoomidda doorasho daah-furan oo heshiis lagu yahay, laguna qabto waqtigeeda.

Ugu dambeyntii, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, islamarkaana ay ka qaybqaataan badbaadinta mustaqbalka dalka iyo sidii doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda loo heli lahaa.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles