Sunday, March 1, 2026

Golaha wadatashiga Qaranka oo ka horyimid damaca Israa’iil

Goluhu wuxuu mar kale si cad u adkeeyay in Soomaaliya ay ku taagan tahay ilaalinta midnimadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda, sida ay waajib uga dhigayaan Dastuurka KMG ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Midowga Afrika.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si buuxda u diiday kuna gacan sayray tallaabo kasta oo sharci-darro ah oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku aqoonsato qayb ka mid ah gobollada waqooyi ee Soomaaliya, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bariga Dhexe.

Goluhu wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo qaran, wacyi iyo isu-taag, isla markaana ay ka fogaadaan fal kasta ama hadal kasta oo wax u dhimaya wadajirka, amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.

Golaha ayaa soo dhaweeyay kuna bogaadiyay qabsoomidda doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee 25-kii Diseembar, isagoo ku tilmaamay horumar siyaasadeed iyo tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo dimoqraadiyad dhab ah.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta doorashooyinka golayaasha deegaanada ee dowlad-goboleedyada, si loo xoojiyo hannaanka dimuqraadiyadda iyo dowlad-wanaagga.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in la sii xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, si dalka looga ciribtiro argagixisada loona xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ugu baaqay beesha caalamka, hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan taageerada bini’aadantinimo iyo tan horumarineed ee lagu badbaadinayo shacabka ay abaartu saameysay.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles