Monday, April 6, 2026

Guddiga joogtada ee Golaha shacabka oo labo garab u kala jabay

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay in Golaha ay ka doodaan dhameystirka Dastuurka iyo in uu sii socdo Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka, kaas oo waqtigiisu horey u dhammaaday.

Khilaafkaan ayaa yimid kaddib markii ay soo baxeen aragtiyo kala duwan oo xubnaha guddiga ka dhex jira, kuwaas oo qaarkood taageersan in la dedejiyo doodda ku saabsan Dastuurka, halka kuwa kalena ay ku adkeysanayaan in marka hore la go’aamiyo xaaladda sharci ee kalfadhiga.

Qaar kamid ah xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay la hadlaan saxaafadda, iyagoo faahfaahin ka bixin doona arrinta taagan iyo sababaha keenay kala aragti duwanaanta.

Horay, Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa sidoo kale u kala jabay, taas oo sii xoojisay khilaafka ku saabsan hannaanka iyo waqtiga lagu dhameystirayo Dastuurka.

Khilaafkan ayaa imaanaya xilli dood adag iyo is-mariwaa siyaasadeed ay ka taagan tahay arrimaha dastuurka, doorashooyinka, iyo mustaqbalka hanaanka dowladnimada dalka

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles