Saturday, February 28, 2026

Guddoomiye Aadan Madoobe” Shaqo muhiim ah ayaa laga qabtay howlaha Duulista Rayidka”

Ku-simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee duulista rayidka oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna guddoomiyaha golaha shacabka oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey maamulka iyo howlwadeenada hay’adda Duulista Rayidka iyo sidoo kale wasaaradda dadaalka ay geliyeen soo celinta maamulka hawada Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey dadaalka khubarada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ku aaddam maamulida hawada Soomaaliya, isagoo kula dardaarmay madaxda wasaaradda iyo hay’adda in howlwadeenadda hay’adda loo sameeyo tababaro joogta ah oo kor loogu qaaadaayo aqoontooda ay si ay uga muuqato hay’adda.

Ugu dambeyn, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in golaha shacabka uu horey u meelmariyey shuruuc muhiim u ahaa hay’adda Duulista Rayidka, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu ka howlgallo lana dhameystiro shuruuc walba oo lagu horumarinayo hay’adda duulista rayidka.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee duulista rayidka waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin Dowladeed, khuburo dhanka Duulista Hwada iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, kuwaaso dhammaantood bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee laga qabtay howlaha Duulista Hawada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

Deni, Sheekh Shariif iyo mucaaradka oo isaga tagaya Muqdisho, kadib fashilkii ku yimid shirka

Xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo xildhibaano ka tirsan mucaaradka oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles