Wednesday, January 14, 2026

Guddoomiye Aadan Madoobe” Shaqo muhiim ah ayaa laga qabtay howlaha Duulista Rayidka”

Ku-simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee duulista rayidka oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna guddoomiyaha golaha shacabka oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey maamulka iyo howlwadeenada hay’adda Duulista Rayidka iyo sidoo kale wasaaradda dadaalka ay geliyeen soo celinta maamulka hawada Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey dadaalka khubarada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ku aaddam maamulida hawada Soomaaliya, isagoo kula dardaarmay madaxda wasaaradda iyo hay’adda in howlwadeenadda hay’adda loo sameeyo tababaro joogta ah oo kor loogu qaaadaayo aqoontooda ay si ay uga muuqato hay’adda.

Ugu dambeyn, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in golaha shacabka uu horey u meelmariyey shuruuc muhiim u ahaa hay’adda Duulista Rayidka, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu ka howlgallo lana dhameystiro shuruuc walba oo lagu horumarinayo hay’adda duulista rayidka.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee duulista rayidka waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin Dowladeed, khuburo dhanka Duulista Hwada iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, kuwaaso dhammaantood bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee laga qabtay howlaha Duulista Hawada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

Dowladda Mareykanka oo sheegtay sababta aysan Soomaalida u sii joogi karin Maraykanka

Xogahayaha amniga gudaha ee Mareykanka karis Noem ayaa faahfaahin...

Wasiir Cali Balcad oo xog cusub ka bixiyay safarka qarsoon ee Muqdisho lagu keenay Caydaruus Al-Subeydi

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay...

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Degdeg Uga Baxaan Iiraan

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles