Sunday, March 1, 2026

Hay’adda SEDO Somalia oo mashruuc deegaanka lagu dhawrayo ka fulisay dawaco

Hay’adda SEDO Somalia waxay ka fulisay tuulada dawaco ee ka tirsan gobolka Sanaag mashruuc lagu ilaalinayo deegaanka kaasoo looga hortagayo guurguurka ciidda taasoo sababta abaaraha kusoo noqnoqday gobolka iyo Soomaaliyaba.

Mashruuca ay ka faa’iideysteen dadka deegaanka ayaa lagu siiyey tababar ku saabsan ilaalinta deegaanka, ka hortagga xaalufinta deegaanka iyo dhirta, waxaana Hay’adda SEDO Somalia u qaybisay agab loogu talo galay inay ku sameeyaan biyo qabatinno si loogu celiyo biyaha roobka dooxooyinka iyadoo markaasi ay ka faa’iidaysan doonaan reer guuraga degen baadiyaha.

Hay’adda SEDO Somalia ayaa u qeybisay dadka deegaanka agab isugu jira badiilo, garweynayaal, sabarado iyo kaariyoonno si ay uga shaqeeyaan deegaanka, waxaana la sameeyey ilaa 150 goobood oo biyo qabatinno ah si looga faa’iidaysto xilliga roobka ayna ugaso baxaan caws iyo baad ay cunaan xoolaha.

SEDO Somalia ayaa ku hawlan ilaalinta deegaanka iyo ka hortagista xaalufintiisa, waxay ayna mashaariico la xiriira deegaanka ka fulisay gobollo kala duwan oo ka tirsan Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles