Friday, December 26, 2025

Heshiiskii xabbad-joojinta Israel iyo Hamas oo dhaqan galay

Heshiis xabbad-joojin ah oo ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas ayaa dhaqan galay kaddib markii uu kuy yimid dib u dhac saddex saacadood ah oo ay sababeen waxa lagu sheegay arrimo farsamo.

Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay heshay magacyada saddexda maxbuus ee la sii dayn doono maalinta ugu horreysa ee dhaqangelinta heshiiska.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in dagaalka la joojiyo iyo in la sii daayo saddex maxaabiis oo Israel ah iyo illaa 95 maxaabiis falastiiniyiin ah maalinta ugu horreysay heshiiska.

Dhaqangalka heshiiska ayaa yimid xilli Xamas ay fuliyeen dalab ka yinid Natanyahu oo la xiriiray in la soo bandhigo liiska magacyada ee maxaabiista la sii deynayo.

Inkasta oo uu dhaqangalay heshiiska xabbad-joojinta haddana saacadihii hore ee maanta ciidamada Israel ayaa weeraray  Gaza,iyagoo halkaasi ku dilay 19 Falastiiniyiin ah.

WARARKII KALE

Dagaal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan G/Shabeelada Dhexe

Dagaalka culus ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanada...

Baarlamaanka Carabta oo taageeray doorashada ka dhacday Muqdisho

Guddoomiyuhu wuxuu doorashooyinkan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo...

AUSSOM oo war ka soo saartay doorashada Golaha deegaanka ee ka dhacday Muqdisho

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)...

Mareykanka oo Nigeria ku weeraray xubno ka tirsan Daacish

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerar...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Cabdikariim”Maqribnimadii caawa ayay soo xirmatay codeynta Doorashada”

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles